DHOODAAN IYO SADDEXDA JIRRO EE BULSHADA

Hordhac

Aw Qombor December 17, 2025

Basharku inta uu ifka negaadiga ku yahay in uu horumar maaddi ah iyo mid macnawi ah oo taabbagala sameeyo wuxuu u baahanyahay in uu ka nabadgalo jirrooyin aalaaba caqabad ku noqda horumarkaas uu ku taamayo. Jirrooyin faro badane, waxaa ugu daran saddex jirro oo haaddii ay bulsho haleelaan aan horusocod ay samayso laga idaynin. Jirrooyinkaasi waxay kala yihiin: jirro habi, jirro hawl iyo jirro hunguri.

1. Jirro habi

Jirrada Habiga (maanka) ku dhacda Nuxur, daato ama fal kii aad dooniba ku tilmaan e, caqligu waa gallad Eebbe uu aadanaha siiyay oo noolaha intiisa kale kaga soocay. Takaaliifta shareecadana isagaa sees looga dhigay; oo inta uu jirranyahay ama uu qofka ka maqanyahay waxaa laga kor qaaday dhammaan takaaliiftaas. Haddii uu habigaasi uu soo tufi waayo aqoon, ogaal iyo ilbaxnimo hayaanka nololeed loo iftiinsado, waxaa xaqiiqo ah inuu jirranyahay (mid dhalan ah ama dhaawac ahba). Haddii aan garaadka bulshadu dhisnayn, oo hab fekerkoodu toosnayn way adkaanaysaa inay horumar kale sameeyaan, oo loollanka taranta Aadanaha ka dhexeeya—ee xeerka Rabbaaniga ah—hoggaanka u qabtaan. Waxaaba dhacda inay ku adkaato inay xajistaan maammuuskooda dadnimo, xorriyaddooda, qaayesoorradooda iyo madhaafaankooda bulsheed. Waxaa la arkaa inay aadane filkood ah kala kulmaan hoosaasin iyo addoonsi aan ku bannaanayn. Macallin Dhoodaan oo arrinkaas tilmaamaya waxa uu lahaa:

“Muquunada Ilaahay baxshee inna mihiibsiiyo

Mulki aadmi garashaa u roon wadata meecaade

Madhalays hadduu yahay caqligu muujin waa sharafe.”

Jirrada caqliga ku dhacda mar waxaa sababa guuldarrooyinka bulshada gaadhay, oo cidda hadba ka gacansarraysa ayaa ku abuurta. Marna jahli aanay weligoodba ilayska aqoonta uga bixin ayaa sababa (bulshada Soomaaliyeed baa tusaale u ah). Qof qofka faro kutiriska ah ee ka baxsada awoodda saqaafadda calanwalleynaysa, iyo kuwa ka soo dhexbaxa bulshooyinka musdambeedkooda aqooneed uu yaryahay ee damca inay bulshadaas gunnimada, aqoondarrada iyo gumeysiga ka raraan oo u hayaamiyaan gobonnimada, ilayska aqoonta iyo horumar taabbaggala waxaa dabar lama dhaafaan ah inta badan ku noqda jamaahiirta faraha badan ee jahligu ku xididaystay. Bal meerisyadan Dhoodaan aad u dhugo:

“Runtii aan u dhakaabiyo dadkaan, dhaabadda u sheegay

Dharaar iyo habeen qayladaan, kor u dhawaaqayey

Ujeeddada dhankii loo wadee, layska dhaadhiciyey

Inta dhinac marsani waa kuwaan, garasho dheereyne

Caqligay ka dhaawacan yihiin, waana shay dhab ahe.” ___Dhugasho

Meeriskan hoose ee uu furfurashada uga dhigay gabaygiisii Tawaawac (takartii maroodiga liqday) ayuu ku muujinaya waxa ka hugmaya duunkiisa iyo maankiisa, iyo sida aanu u haysan dad uu dhex u yahay oo waxa uu ku taamayo la fahmaya. Taas oo innagu dhalinaysa dood la mida doodda “kala horreynta digaagga iyo ukunta” ama si kale haddaan u dhigno “bulsho ku suntan aqoondarro, fasahaad manhaj iyo dibudhac xooggani ma kasoo dhex bixi karaa indheergarad iyo hoggaamiye bulshadiisa u sahamiya horumar iyo nolol aayatiin leh?” weydiin ah ayuu innagu abuuri—macallinku.

“Caqli gacalkii toosaa fekera nolosha toolmoon” ____Tawaawac

Kay dooniba ha noqotee, qaryaanku wuxuu innoo tilmaamayaa in habiga korran ee toosani uu maaminayo nolol toolmoon oo maammuus iyo milgaba leh, oo dhaanta taas uu qawadsanaa innaguna weli aynu qawadsannahay. Maanka ka badbaada jirrooyinka goommoonida aqooneed(jahli) iyo gurdanraacnimadu ka midka yihiin ayaa fikrad iyo farsamo nololeed oo lagu curiyo ilbaxnimo taabbaggasha toobiyaheeda qaada. Marba haddii maanka jirro ku dhacdo—waa hawlgabkiisii e—qof iyo bulshoba waxaa la qaayibaa gunnimo nooc kastoo ay tahay. Baraarug yarida, aqoondarrada iyo maan-gasariirku waa waxa bulsho u horseeda inay gumeysi—nooc uu dooni ha noqdee—ay u nuglaadaan oo heeryada iyo harqoodkiisa oggolaadaan. Markale Dhoodaan oo taas tilmaamaya oo innoo sheegaya in haddii heeryada gumeysi la iska rogi waayo uu habigeennu noqonayo mid ka galoofoobay halabuur, hindise iyo hab feker toolmoonba; intaba.

“Gambo xidho ma yeelaan kolbay, gobise liicdaaye

Gujo qudha xornimo kuu jirtana, waad u geyllamiye

Inaan gibisha tuurnoo caqligu, naga galoofoobin

Sow rag is galaalaa mar kale, uma gallaydhyeynnin” ____Xaawo iyo aadan

Tawsta caqliga ku dhacdaayi sida ay u tahay tan ugu halista badan, ayay dhayiddeeduna u adagtahay. Aqoon tayo leh iyo toobiye(manhaj) caafimaad qaba balse dedaal iyo wakhti badan qaata ayuunbaa wax lagaga tari karaa. Dhoodaan oo halista tawstaas habiga haleesha iyo adayga dhaymadeeda tilmaamaya waakii lahaa:

“Turqin iyo nin taxaliishii iyo boogo lala taaho

Tawi iyo tuf dhiigroora iyo barar la tiiftiifo

Wax tirtir iyo tuutuujin baad kula tacaashaaye

Kob la taabto ama lays tusaad tab u dawaysaaye

Sidee loo tadaawali karaa tows cagliga haysta?” ___Toosoo kacaay

Waxsoosaar fikir iyo midka suugaaneed ee ay bulsho yeelato, waxaan ka dhex akhrisannaa—iyada oo tilmaan iyo gumaro—heerka kobaca habigeedu inta uu yahay ama heerka madhalaysnimadiisu inta ay dhantahay. Si kooban waxay noqonayaan muraayadda laga dhex daawan karo kobaca caqliyadda bulshadaas, oo haddii waxsoosaarkooda qoraal iyo suugaameed uu baarka sare joogo waxaynu garanaynaa in bulshadaas maankeedu dararanyahay. Si lamida haddii aynu aragno bulsho waxsoosaarkeeda aqooneed iyo midka suugaaneed uu saaxadda milaygaas ka maqanyahay ama uu ku gowracanyahay saqaafad kale oo uu dheegasho iyo dhaanraacnimo ku suntanyahay, waxaan ogaanaynaa in bulshadaas habigedii jirranyahay—dhalad ama dhaanraacnimo kay dooni ha noqotee. Bal meerisyadan hoose ee uu Qaryaanku arrintaas innoogu koobayo dhugo:

“Qof waliba ujeediyo markuu hadal abbaaraayo

Caqligiiseey meel uga ekaan odhaahtidiisuyee.” ___Ogaysiis

Habeen habeennada ka mida oo aan aniga iyo sheekh aan jaal nahay caweynayno, wacaalka taaganna wax iska weydiinayno; ayuu wuxuu i weydiiyay “awoodda maaddiga ah ee ciidan iyo cuudka leh, iyo awoodda debecsan ee fikirka iyo baraqjabinta ah keebaa asal u ah risaalada ama farriin ilbaxnimo oo ay bulsho yeelato inay sal dhigato(goofkeeda) iyo inay faaftaba(daafaha)?” Waxay ila ahaatay asalka farriintu waa maangalnimada iyo lahaanshiyaha tiirar iyo mabaaddii’ taabud ah oo ay yeelato oo ah midhaha habiga caafimaadka qaba ee halabuur iyo il-ogaaled cufan leh. Balse, faafitaankeeda iyo ka dhoofiddeeda xayndaabka ay ku curatay waxa u sees ah hadba waa inta ay cudud ciidan iyo cuud dhaqaale yeelato. Soomaalida maanta ee waayahan silloon ku sugan haddii rag u kaco, maankooda u tuujiyaan inay “xaayatul kalbidan” bulshadeennu ku jirto mid ka doorroon u sahmiyaan misana ku guulaystaan; fikraddaas ooshooda ka hirgasha inay dhoofiyaani waxay u baahnaanaysaa muruq xooggan iyo maal buuran. Tusaale kan ugu fiicanna waxaa loo soo qaadan karaa faarriintii Islaamku oo awooddii ay ku haysatay goofkeeda ee ay ku faaftay ma ahayn mid muruq ee waxay ahayd “xujooyin cadcad oo run ahaanshiyaheeda ka marag ahaa”, balse markay dawladnimo, siyaasad iyo nidaam noqotay waxay u baahatay addimo bari iyo bogox u ballaadhiya; wayna yeelatay wayna u faaftay. Halkaasna waxaynu ka garanaynaa in tagoogta maaddiga ah asalkeeda hore uu yahay midda caqli. Aragti caqligaasi hindiso inay faaftana run ahaanshiyeheeda keliya kuma filna ee xoog iyo xoolo ku lammaanaada ayay u baahataa—habiga jirrooyinkaas ka nabadgalay ayaana taas lafteeda qormeeya. Bal meerisyadan Macallinka u fiirso sida uu innoogu sheegayo maanka fayda ahi hadba siduu u yahay kan hormuudka ah:

“Inkastoo taxgalin ay rabtayoo tooxna lagu sheego

Tabar xoogu ma ahee ileen garashadaa taag leh” ____Tawaawac

2. Jirro Hawl

Jirro Hawl ku dhacda Haddiiba habigu madhalaysnimada uu ka nabadgalo, wuxuu dhalaa aragtiyo iyo toobiye lagu raadceeyo nolol toolmoon oo aayatiin leh. Waxaase hindisahaa habiga rumeeya ama beeniya hadba inta la isku hawlo hirgelintiisa. Hawshu/camalku waxay si guud tiir dhexaad ugu tahay jiritaanka aadamaha iyo khaliifnimadiisa, si gaar ahna inay bulsho horumar maaddi ah iyo mid macnawi ahba samayso. Hawsha aan qabanaynaa ama waa mid Uumiyaha caabudiddiis ah ama waa mid khilaafada aadamaha ee arlada lagu ilaalinayo. Inaad hawsha aad qabanaysid aqoonsatid, marinkii aad u mari lahaydna aqoonsatid iyo sidoo kale saxnimada hawshaasna aad yaqiinsatid keliya kuguma filna e, waa inaad qabashadeeda ku dhaqaaqdid. Tabarta ayaana lagama maarmaan u ah inay sidaad taawinaysid u hirgasho. Hawl la qabto waxaa ugu adag gobonnimo lagaa xayuubiyay oo aad raadcaysid. Waana hawsha ugu badan ee Qaryaanku meerisyada aan gabayadiisa kalasoo dhex baxnay kaga hadlayo. Gobonnimadaas inaad xaq u leedahay helitaankeeda iyo inuu waajib kugu yahay raadcaynteedu kuguma filna e, isku hawlid iyo u hagarbax ayay kaaga baahantahay oo aad aaddin iyo afba tagoogtaa isugu geyso. Bal u fiirso meerisyada Macallinka oo arrinkaas innoo tilmaamaya:

“Ashahaado ruuxii cuskada, amase iimaan leh

Gaal urahayaa kama il-helo, oo iblays uhuye

Aayado caddeeyaa jiroo, taa Allaa yidhiye

Walow aan sidaa aaminniyo, idam Ilaahayba

Eebada markii lagu darey, na anfacaysaaye”__Oddoros

Wax lagu hawshoodo gobonnimaa ugu mudan waa innagii nidhiye, haddii maankeennu baraarugo oo nooca gobonnimo ee aan raadinayno, tabahaan ku raadinayno, iyo cidda aynu ka raadinaynoba uu innoo summadeeyo garaadku; inaan gobonnimadaas helnaa dedaal iyo nafhurnimo badan ayay innooga baahantahay. Haddiise aynu dedaal gabno oo aynu gacmaha laabanno, si kastoo aan u jeclayn inaan gob noqonno oo nolol macno leh noolaanno waxaan noqonaynaa uun maroodigii uu Qaryaanku sheegayay markuu lahaa:

“Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa

Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye.”___Higlo

Macnuhu wuxuu yahay nolosha toolmoon ee aad haabo is leedahay, sansaanteedii oo dedaalkaaga ku timid in aad dheehato weeye. Macallin Dhoodaan waa kii gabaygiisii “Salleello” sida saafan innoogu lahaa:

“Saamaatadana kii raadiyee, sabanna gaajooda

Safrad iyo baqooliyo lug iyo, suudi iyo guure

Sadaadiyo kulayl iyo wuxuu, silic ku doobaana

Hadba libintu soo saar lahaa, waxay sinbiidhaaba

Sakal adag waxay kaga dhacdoo, meel ka sudhantaaba

Ama ay sallaadida martooy, samada aaddaaba

Sol-lagaa waxay kaga jirtooy, surin cidhiidhyoonba

Wakhtigii la seejiyo, cadkii laga sag-saagaayay

Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye

Hayeeshee sansaan bay rabtaa saa markay tahaye

Wax waliba sifay leeyihiin, lagu saraadshaaye

Markii sabada ceelka aan dagnoo, siigo iyo boodhle

Ooy subaxdu jiilaal tahoo, sagal inoo muuqdo

Tuskaa suudigiisu uu batay, milicda soo saaray

Daruur saalimaysana hadduu, dhinac ku saynsaabo

Sadbaa laga inshaartaa kaliil, saymo iyo roobee

Haddii kale cirkoo seemman iyo, samada oo qaawan

Inuu sahal dharaartaa ku da’o, oo biyaha saydho

Haba sugina saaxiibayaal, waa si aan jirinee.” __Salleello

“Lama helo wadaadoow waxaan cidi u hawshoon” gabyaa kale waa kii lahaaye, waxaa iyana jirtay maahmaah Soomaaliyeed oo caan ah oo ahayd “saddex Eebbe weyne waa karaa mase yeelo: guursan maayee Eebboow gurbood i sii oo aanan goblamin; xoogsan maayee Eebboow xoolo i sii; iyo camal suuban fali maayee Eebboow ha i cadaabin.” Si lamida saddexdaas qodob ee maahmaahdu xustay oo kale ayaynaan u helayn bulsho baraarugta, horumar taabbaggala, iyo badhaadhe lagu daanshoodo; haddii aynaan isku hawlin dedaalkeedii iyo dhaqdhaqaaqii lagu rumayn lahaa oo inta Indheergaradtooyada loo aanaynayo aanay horkicin majarahaas.

“Saddexdii la yidhi Eebbaheey, suuro galin maayo

Sancadiinna saawayn kartaa, laga saliilyoone” __Salleello

Qaryaanku isaga oo tilmaamaya in nooc kasta oo daal, dhaawac iyo dhimasho ah lagala kulmayo geyllanka nolosha macnaha leh lagu goobayo, balse gunaanadku yahay maammuus iyo gobonnimo macaan oo faca dambeeto ay mahadin doonaan, waa kii lahaa:

“Isticmaar sutidoo loo qabtiyo, siin aad kaga keento

Sannahaabadaasuu ku dayn guushuu kaa sido’e

Shardoo nacabka Say-dheere iyo, saanad lala doonto

Seef iyo bilaawiyo shardoo, salabka loo qaato

Suryaduu maraayaba shardood, soodhle kaga shiishto

Sanbabbada shardood kala heshoo, sarartu dhiigowdo

Iyo suxulladaadoo jabiyo, seed ku kala boodda

Jeeraad adigoo sirin-sirqo ah, toban sagaal layso

Soomalidda Galbeedeey filkiin, lama sin maysaane

Xornimo aad salleelo u heshaan, idinkoo seexday

Waa tii saancad laga qaadaa oo, lagu sunoobaaye.” ___Salleello.

Inkasta oo macallinku wadiiqadii gumaca oo keliya markan uu tilmaamayo, haddana halganku waa noocyo badanyahay oo baraarujinta iyo garaad-dhiska bulshada, toosinta nidaamyada dowliga ah iyo kuwa bulsheed, hor istaagidda keligii taliska iyo dooxatooyinkuba waa hawllo ilaa nafhur ubaahan haddii lagu guulaystana midho macaan. Inta baraarugtay ee aqoon, ogaal iyo awaale adduunba waxa uga bidhiidheen waajib kaloo baraaruggaasi sito ayaa fuulaya. Ugu horreynba waa inay buunka qaataan oo jamaahiirta jahliga, dhoohanaanta iyo maahsanaanta ku jirta ay waaniyaan, dabadeedna noloshii toolmoonayd ee habigoodu maaminayay ayay ku hoggaamiyaan. Haddii aanay sidaas yeelin oo ay ama xaglo laabtaan ama aashood gebidhacleeyaan, hadaf macno leh oo ay yaahinayaani ka dheer. Arrinkaasina is xilqaamid aan dano kale laga lahayn ayuu u baahanyahay.

“Xidaarnimo maxay tari haddaan, la is xil-qaamaynin”____Xullubsocod

“Dhabbahaan marayniyo libtuna, way isu dhaw dahaye

Dhaqso horumarkoodiina way, dhagagsanaayaane

Isxilqaanka noo dhimman maxaan, uga dhabcaalownay” ____Dhugasho.

3. Jirro hunguri

Hungurigu mar waa xubin jidh ah, marna waa inta nafta basharku ugu iilato hadba waxay jeceshahay oo dhaldhalaal, dhadhamo iyo dharabo adduun ah. Waa fidro Rabbaani ah oo aadamaha ku abuuran balse hoggaan iyo habayn u baahan. Adduun jacayl, magac iyo mansab jacayl, caannimo iyo waxyaaba la midka ah ayaynu qeexidda hunguriga isugu geyn karnaa—cabbirka Qur’aanka ahna waxay ku noqon hawo. Haddaba hungurigaas ama hawadaas meel kasta oo Qur’aanka uu kaga soo arooray waxaa lagaga warramayaa inuu yahay mid darraaban. Wuxuu horsed/sabab u noqdaa marinhabow iyo hallow lagaga baydho waajibaadkii jiritaan ee ifkan iyo midka aakhiraba. Haddaba hungurigaasi haddii uu dabar iyo xadhig xaslada waayo wuxuu qofka ama bulshada gaadhsiiyaa heer ay caabudaan. Hungurigu wuxuu qofka ka indhasaabaa xaqa iyo marinnadiisa, xaqiiqooyinka cilmiga ah iyo waajibaadyada ka dhalanaya. Wuxuu hareer marinayaa baaqyada ugu yeedhaya toobiyaha tolmoon ee nolol macno lagu baadigoobayo.

Hungurigu ninka siyaasiga ah ee caynaanka bulsheed haya wuxuu ka leexiyaa wadiiqada saxda ah, indheergaradkana wuxuu ka indhosaabaa inay xaqa ku addimaan, halkii ay guud ahaanna bulshada fasaad cibaado iyo mid akhlaaqi ah u horseedi lahaayeen. Dhoodan aynu u nimaadno meerisyadiisa badan ee uu jirradaas hunguriga kaga hadlayo, waxaana ka mida ah:

“Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay, dhuuni raacnimo e” __Dhugasho

“Isagoo rag kala baayacduu, boqor ismoodaayee

Baguu odhan kolkuu badhi liqana, baarri buu noqone

Haddii nacabkii baabi’in lahaa, beesada u dhiibo

Ballan qaadna loo raaciyiyo, biro dhalaalaaya

Ujeedada ma baadhiyo inay, boogi daba taalle

Ma baaldhigo xuduudka babcan een, laga dul boodayne

Farxad iyo bislaysaa gashoo, wuuba bararaaye.” ___Xuuraa Baf

“Dhadhaab kaa horjeediyo adoo dhiibo filanaaya

Dhiigiyo naftaadana huroon dharabo eegaynin

Oon dad nacabku dhaansaday hadhow yeelan dhaxalkaaga

Dhadhamiyo dhamcaatiyo adoon dheef u xilanaynin

Dhammaanteed adoo saa u garan ama u dhawraaya

Halgan dhaawac loogama hakado dhimasho yeelkeede” __Dhab ka hadal

Ugu dambayn, waxaynu nahay bulsho baraaruggeedu aad u hooseyo, jahligu weli ku dambeeyo, sidoo kalena hal-halkeedii hambaaberayna uu maansheeyay fasaad manhaj. Waxaan maanta raadceynaa gobonnimo—habiga iyo haybadba—iyo nalol dhaanta tan aynu ku jirno. Inta aynaan waayeheennan silloon cid kale iyo quruumo kale u eersan inay inna badeen, innagu saddexdaas jirro aynu dhaymo u helno. Hal halka baraaruga ee jirrooyinkaas ka nabadgalaa keligood meel gaadhi maayaan, ee baadadkii ay ku duuli lahaayeen oo jamaahiirta ah inay helaan waa lagama maarmaan. Maalintay taasi dhacdo ayay qun u nasan oo Qaryaanku waa kii lahaa:

“Kol hadduu dadkaygaa hurdee, hoorri dhacay toosay

Horta anigu holacaan qabiyo, hibashaday dayne

Waa markaanan haadaa dhacayn, halabsi mooyaane

Oo naftii aan haaraami jiray, hiif u celinayne

Oo inaan hawoodiyo karaa, inaan hadaaqaaye.” ___xaajo

Isxilqaanka iyo in fikradda ficil lagu daraana waxa aynu yaahinaynay ayay soo dhoweynaysaa, balse waxaa dhab ah in ay hawli badantahay oo handadaad, cabsigelin, dharabo lagugu jirrabo, xabsi, car juuq dheh iyo ilaa heer dilba waa lala kulmi:

“Hayaankaan raraynaana waa, geeddi hawl badane

Dhexda inuu hadhsado kii rabow, waa ban hoolane ahe

Oo kii haro biya ah moodiyow, waa harraad kulule

Oo kii hoyasho guri doonayow, waa cidlaw hadafe

Oo kii hadimo diidayayow, waa naftaa huride

Kii xoola haabhaabanow, kama hodmaysaane

Kii hadaaf xarrago maagganow, haaruftaad bixine.” ___Xaajo

Hagardaamooyinka lagala kulmayo halgankaas nolosha macnaha leh lagu baadigoobayo way badanyihiin ee nacabka sheellan iyo kan sheemman in aad si qun ah u wada ogaatid lafteedu waa caymo soo dhoweeya guushaada:

Cadaw inaad hankaagtaan raboo, idinla heesaaya

Oon ka lala hardamayeen ahayn, la is hujuumaayo

Oo hadimmadiinnii wadaa, qodaya haadaane.” ___Xaajo

W/Q: Cabdurraxmaan muxammad xuseen “Qombor”

Share:

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You May Also Like

Hordhac Qarnigan 21-aad waxaa si weyn u beddelay horumarka degdegga ah ee tiknoolajiyadda iyo isgaarsiinta, gaar ahaan warbaahinta casriga ah...
ISBARBARDHIGA LABADA HINDISO EE QARNIGAAN 21AAD UGU MUHIIMSAN (BRI VS B3W) CHINA VS WEST Hordhac kooban: Labada hindise ee Belt...