
ISBARBARDHIGA LABADA HINDISO EE QARNIGAAN 21AAD UGU MUHIIMSAN
(BRI VS B3W)
CHINA VS WEST
Hordhac kooban:
Labada hindise ee Belt and Road Initiative (BRI) iyo Build Back Better World (B3W) waa laba qorshe caalami ah oo waaweyn oo loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha wadamada soo koraya.
BRI waa mashruuc ballaaran oo uu Shiinaha soo bandhigay, kaas oo diiradda saaraya isku xirnaanta ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dunida, gaar ahaan wadamada Asia, Afrika, iyo Yurub, isagoo leh saamayn siyaasadeed iyo dhaqaale oo ballaaran.
B3W-na waa hindise ay wadamada G7 soo bandhigeen, taas oo xoogga saareysa maalgelinta mashaariic tayo sare leh oo ku saleysan hufnaan, isla markaana looga jawaabayo baahida horumarineed ee dalalka soo koraya iyadoo laga hortagayo saameynta BRI.
Labada hindise waxay matalayaan qaabab kala duwan oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo isu soo dhawaanshaha caalamka, waxaana mid walba leeyahay caqabado iyo rajooyin uu wajahayo mustaqbalka.
Taariikh Kooban:
A) Taariikhda Belt and Road Initiative (BRI)
BRI waxaa si rasmi ah loo bilaabay 2013-kii madaxweynihii Shiinaha Xi Jinping. Hindisahan waxaa loo yaqaan sidoo kale “One Belt One Road” wuxuuna ka kooban yahay laba qaybood oo waaweyn:
Ø Silk Road Economic Belt (wadada dhulka) oo isku xira Shiinaha ilaa Yurub iyadoo la marayo waddooyin tareen iyo dhul kale.
Ø Maritime Silk Road (wadada badda) oo isku xirta dekedaha muhiimka ah ee Badweynta Hindiya, Afrika, iyo Mediterranean.
Ujeedada BRI waa in la xoojiyo isku xirnaanta ganacsi iyo dhaqaalaha, lana horumariyo kaabayaasha sida wadooyinka, dekedaha, iyo isgaarsiinta dhijitaalka ah ee dalalka Asia, Yurub, iyo Afrika.
BRI ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah siyaasadda dibadda iyo istaraatiijiyadda dhaqaalaha gudaha Shiinaha. Ilaa hadda, BRI waxa uu saxiixay heshiisyo wada shaqeyn oo ka badan 200 dal iyo hay’ado caalami ah, isagoo maalgelin ka badan $1 trillion ku sameeyay wadamo kala duwan.
Hindisuhu wuxuu xooga saaraa shan aasaas: isku xirnaanta siyaasadda, isku xirnaanta kaabayaasha, ganacsi aan carqalad lahayn, is-dhexgalka dhaqaale, iyo iskaashiga dadka
B) Taariikhda Build Back Better World (B3W).
B3W waxaa soo bandhigay G7-kii (Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, USA) bishii Juun 2021 si ay uga jawaabaan baahida kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka soo koraya iyo kuwa dakhligoodu hooseeyo ilaa dhexdhexaad ah,
Ujeedada dhisida Hindisahaa ayaa Khuburo dhaqaale oo badan u arkaan in ey tahey mid ah xeeladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee wadamada G7 si ay u xoojiyaan saamayntooda caalamiga ah iyagoo ka jawaabaya ballaarinta iyo saameynta sii kordheysa ee China iyo hindisihiisa BRI.
B3W wuxuu diiradda saarayaa maalgelinta tayada sare leh iyada oo ay hogaaminayaan maalgelinta qaybta gaarka loo leeyahay, isagoo xooga saaraya afar tiir:
Ø Caafimaadka iyo amniga caafimaadka,
Ø Sinnaanta jinsiga,
Ø Cimillada iyo deegaanka,
Ø Tiknoolajiyada dijitaalka.
Hindisahan wuxuu ku saleysan yahay mabaadiida hufnaanta, ilaalinta deegaanka, cadaaladda bulshada, maalgashiga gaarka loo leeyahay, iyo iskaashiga caalamiga ah.
B3W weli faahfaahin badan lama shaacin, mana jiraan heshiisyo ballaaran oo lasoo bandhigay, waxaana bartilmaameed looga dhigay maalgelin gaaraysa $600 billion ilaa 2027.
B3W waxaa lagu beddelay magaca Partnership for Global Infrastructure and Investment (PGII) 2022 ka dib caqabado sharciyeed.
| Qodobada | Belt and Road Initiative (BRI) | Build Back Better World (B3W) | |
| 1 | Taariikhda Bilaabidda | 2013 | 2021 |
| 2 | Hormuudka Hindisaha | Dowladda Shiinaha | Wadamada G7 |
| 3 | Ujeedadooyinka | Isku xirnaanta wadamada iyada oo la dhisayo kaabayaal dhaqaale | Maalgashi tayaysan oo kaabayaal horumar leh loogu sameeyo wadamada soo koraya |
| 4 | Baaxadda Maalgashiga | In ka badan $1 trillion | Bartilmaameed $600 billion maalgashi ilaa 2027 |
| 5 | Diiradda | Kaabayaal dhaqaalaha, isgaarsiinta, dekedaha, jidadka | Caafimaadka, sinaanta, deegaanka, tiknoolajiyada |
| 6 | Qaabka Maalgashiga | Dowlad dhexe oo Shiinaha ah | Maalgashadayaasha gaarka loo leeyahay iyo iskaashi dowladeed |
Labada hindiseba waxay u taagan yihiin tartan istaraatiiji ah oo ka dhexeeya Shiinaha iyo wadamada reer Galbeedka, oo mid walba adeegsanayo habab iyo mabaadi’da kala duwan si loo xoojiyo saamaynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee caalamka.
CAQABADAHA IYO RAJOOYINKA:
Labada hindise ee Belt and Road Initiative (BRI) iyo Build Back Better World (B3W) waxay la kulmeen caqabado badan laakiin sidoo kale waxaa jira rajooyin ku saabsan horumarkooda iyo saameyntooda mustaqbalka. Halkan waxaa faahfaahin dheer ku saabsan labada dhinac:
Caqabadaha BRI
Ø Deynta iyo Maaliyadda Wadamada Qaata: Wadamo badan oo qayb ka ah BRI ayaa galay dayn culus, kuwaas oo qaarkood ay ku adkaatay bixinta. Tani waxay keentay walaac ku saabsan in dalalka qaata ay ku dhacaan “debt trap diplomacy,” taasoo Shiinaha siin karta saameyn siyaasadeed dheeraad ah.
Ø Saameynta Deegaanka: Inkastoo Shiinuhu ku dhawaaqay in uu horumarinayo “BRI cagaaran,” haddana wali waxaa jira mashaariic badan oo ku lug leh tamarta la isku hayo sida shidaalka iyo qiiqa koolarada, taas oo keentay dhaleeceyn caalami ah.
Ø Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka: Wadamo qaar ayaa ka baqaya in BRI uu noqdo aalad siyaasadeed oo Shiinuhu ku xoojinayo saameyntiisa, taasoo dhalisay kala qaybsanaan siyaasadeed iyo walaac ku saabsan daacadnimada heshiisyada.
Rajooyinka BRI
Ø Maalgashi Sare: Sanadka 2025, BRI waxay gaartay heerkii ugu sareeyay ee maalgelinta mashaariic, gaar ahaan tamarta, mining-ka, iyo tiknoolajiyada casriga.
Ø Balaarinta Saameynta Caalamiga: Waa mashruucka ugu weyn ee Iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga, waxaana ku biiray ilaa 150 waddan.
Ø Dib u Habeynta iyo Isbeddelka: Waxaa jira dadaallo la taaban karo oo lagu doonayo in BRI laga dhigo mid waara, cagaaran, oo leh hufnaan sare iyadoo la horumarinayo mashaariic la jaan qaadaya mabaadiida deegaanka iyo bulshada.
Caqabadaha B3W
Ø Waqtiga Hirgalinta iyo Isku Dubaridka: B3W waa hindise cusub marka loo eego BRI, waxayna wali ku jirtaa marxaladda hore, taasoo keentay inay dib u dhacaan heshiisyada iyo maalgelinta mashaariicda.
Ø Maalgelinta Xaddidan: Inkastoo qorshuhu yahay in uu gaaro $600 bilyan, wali ma hubo sida lacagtaas loo ururin doono maadaama ay ku tiirsan tahay ka faa’iidaysiga maalgelinta gaarka loo leeyahay iyo iskaashiga dowladaha.
Ø Tartanka Siyaasadeed: B3W waxaa loo arkaa in uu yahay istaraatiijiyad ka dhan ah BRI, taasoo dhalisay tabashooyin iyo ka qayb qaadasho siyaasadeed oo xaddidan dalalka qaar.
Ø Kala Qaybsanaanta Wadamada G7: Wadamada G7 ma wada wagaan aragtida iyo qiimeynta hindisahan, taas oo caqabad ku ah hirgelinta mashaariic waaweyn.
Rajooyinka B3W
Ø Diiradda Saaridda Tayada iyo Hufnaanta: B3W wuxuu xooga saarayaa mabaadiida ilaalinta deegaanka, sinnaanta jinsiga, iyo hufnaanta maalgelinta, taasoo ka dhigaysa mid ku saleysan qiyam caalami ah oo laga doonayo mustaqbalka koritaanka waara.
Ø Iskaashiga Caalamiga ee Ballaaran: Marka hindisaha si buuxda loo hirgeliyo, waxaa LA rajeynayaa in ay horseedi doonto iskaashi badan oo dhaqaale iyo tiknoolajiyeed oo dhexmara wadamada G7 iyo kuwa kale.
Ø Maalgelinta Waara oo Dib u Cusboon: B3W ayaa xoogga saari doono mashaariic waara oo taageera cimillada, caafimaadka, tiknoolajiyada iyo sinnaanta, taas oo ka duwan mashaariicda dhaqameed ee inta badan ah dhismooyinka kaliya.
Gunaanad:
Labada hindise labaduba waa kuwo leh saameyn ballaaran oo istaraatiiji ah, waxayna ka tarjumayaan tartanka dhaqaale iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo wadamada reer Galbeedka.
BRI waa mashruuc leh taariikh dheer iyo guulo muuqda laakiin wajahaya caqabado la xiriira daynta iyo degaanka, halka B3W ay tahay qorshe cusub oo leh himilooyin waaweyn balse wajahaya caqabado hirgalin iyo maalgelin. Khuburada dhaqaalaha ayaa ku talinaaya in Labada hindise looga baahan yahay in si hufan loo maamulo si ay u gaaraan rajooyinkooda horumarineed iyo saameynteeda caalamiga ah ee mustaqbalka dhaw iyo midka fogba.
W/Q: Said Diriye Sheikhdon
Facebook page : Said D. Sheikhdon
X (Twtter): Said D. Shekhdon (@Shiikhdoon1)
E-mail: Shiikhdoon1@gmail.com